Fanka Soomaalida iyo Halganka Nolosha – ujeedo badane,by mohamad shariif

Fanka iyo Qaramiga
Fatwo joojin maysee
Fiyooliinta ii tuma

Ogoow fanaankaygoow, ma fududa dunida kale fanaan malyamaad shacbiyad ah haystaa, in uu la talin jaangooya waxsoosaarkiisa iyo hadalkiisaba yeelan waayo. Marar badan hobolladeenu gefaf waaweyn oo ay ku lumiyaan shacbiyadooda ayay ku hadaaqaan. BK ayaa tusaale nool inoo ah, Sharmo-Boy oo kamid dhalinta Raabarka kuwooda ugu wanaagsan jid cusub oo faneed oo jiilkan maanta ahna jeexay, ayaa kow ka ah, dadka u baahan latalin uu ku haysto sumcadiisaa faneed oo dhaqan, rajiim taageerid iyo Qiyam bulsheed ilaalin ba ah, falalkaas oo haddii fankiisa laga dhadhansado sumcadiisa hoos u ridi karta, bulsho badana tareenkiisa ka dejin karta. magac in la helaa marar badan waa mid biyo kabasho ka fudud, Samaan iyo xumaanba! balse waxa adag sidii looga jiri lahaa, sunta iyo waabayda geegaalida ah ee qofku iska dhawri lahaa. Magac in la sameeyo in la ilaaiyo ayaa ka culus, fanaanka Soomaaliga inta badan bulshadiisa uu u heesayo uma eeka, mararka qaar waxaabad moodaa in aanu iyaga matalin. Dhibta ugu weyn ee haysataa, waa in aanay haysan la talin waxsoosaarkooda ka war haysa, liidnimada, golekafuulka iyo degdeggaba ka ilaalisa, sidii uu darbiga ugu ahaa; Rashiid-Gadhweyne Hadraawi waa in aad musdambeed heshaan ninkan iyo cidda la midka ahiba. Shacbiyad weyn ayaa kaga lunta dhaqannada heesahooda iyo dhaqdhaqaaqoodaba.

Nimaan dhididin ma helo dheefe i maqal fanaankaygoow, ku dayda oo jidkooda qaada lodadka dambe ee ay ka midka yihiin :- Xamda Bilan, Asma Loof, Hibaaq Gobaad iyo Cali-Saki oo dhammaantood hirgeliyey ganacsiyo hanaqaaday waa tusaale nool, waa kuwo aan lugta uga xidhnayn fanka oo keli ah noloshooda. Ku taamilo qaata bulshadiinu kolka xooga tihiin ee xaragada la tiicaysaan waa idiin sacabo-tumaan, balse kolka aad laciiftaan dad kooban mooyee abaalkiinii ma heshaane. Baahidu waa gun, ogsoonaada dunida awood dhaqaale in aad ku yeelataan oo aan baahidiina laga faa’ideysan.

Nolosha way baalal badan tahay ee koobnida iska daaya, barta laamaha kala duwan ee aqoonta si aad u difaacataan Fankiina. Masraxyada laga heeso, masaajida iyo meelaha wanaagsan oo dhan ruuxdiinu haku xidhnaato, noqda oo sifooyinkiisa yeesha Maki Xaaji Banaadir oo hoobal iyo mu’adin muddo dheer ka ahaa, masaajida Muqdisho. Anshaxa wanaagsan iyo qiyamkiina dhawrta oo dhidibada u aasa aragtida xorta ah. Carshiga sare iyo idinka yaa laydin kale turjumin.

Fanaankaygoow nolosha Soomaalida maantu waa dalanbaabi darbi ku soo dumay, halgan bay rabaan aan fadhi kudirir iyo hadaltiro midkoodna ku imanayn. Codkaagu saboolka hiil buu u noqon karaa, waan ogahay ma jeclidiin wax kasta oo idin danqaabi kara. Maalin kasta waxa aan is weydiiya hoobalkaagu ma halgami karaa, isaga oo ka shidaal qaadanaya qadiyadiisa dhuleed ee cadawgu ku meersan yahay? miyaydiin sidii dhalinyartii African-American ahaa iyo kuwii kereebiyaanku ee isdhexgalkoodii dhaqan bulsheed uu ku abuurmay Raabka “HIP HOP” 1970, aydaann fankiina ka dhigi karin mid sidooda caroog u noqda dhalinyarta xaqoodii la duudsiiyay sabab goobta ay la yimaadeen ama midabka ay leeyihiin ah, kuwa la haybsooco, kuwa la liido iyo dadka ku nool dabaqada nololeed ee hooseysa, kaas oo ay hogaaminayeen DJ kool herc, DJ Disco wiz, iyo Grandmaster flsh, oo saldhigiisa iyo sababta bilowgiisaba uu yahay halgan.
Maxaa inoo diidey, fan tabtaas ah?
Miyaa laydinka waayay mid iyo Laba sida fanaaniinta reer Kuushka oo kale ah, nolosha bulshadiisa u halgama! Haajaaluugii Oromada baraarugeeda awoodda geliyay miyaad ka liidataan, isaga oo raaxaysan kara?
Haddii aad i odhan lahayd isku duruufo nololeed ma nihin, wiilkaasi Oromo ee HAJAALU oo khilaafyo dhalasho iyo tabashooyin teena ka gundheer ayaa uu ummaddiisa ugu halgamayey, kuwa la mid ah oo cadaalad-darro, biyo la’aan iyo cidhibxumoba leh, ayaa gondaheena kambadhuudha, dillaaliin aan naxayn baa innaga kala qoqobtay oo boqnaha ina goysay. Bal u fiirso wiilasha fanaaniinta ah ee Canfarta waa Cali Afrika iyo Yaasiin Baraxle sida ay ugu goodinayaan qabsashada dhulkeenii iyo taageerada tolkooda xasuuqa ka gaystay Garba-Ciise, innaguna weli aynu garaacayno xadhkaha tamashlaha, ammaanta iyo guulwadaynta maamullada aynu hoos joogno. Haddii aad bulshadiina la halgantaan sharaf baad la dhiman doontaan, sidii Saado Cali Warsame, Luxudka waydun qaban doontaa weliba hurdo raaxo leh ayaydun geli doontaa.

Dhamaad.

W/Q mohamad shariif dahir

Design a site like this with WordPress.com
Get started