Marka uu qof kugu cusub yahay waxaa had iyo jeer fiican in aadan ku deg degin ama aadan horay uga dirin geeraar jaceyl ah. Maxaa yeelay waxa uu qofka kuu fahmayaa in aad tahay qof deg deg badan.Xusuusnow: Qof deg deg badan ma jirto qof jecel.
Maalmo kadib marka aad isfahantaan u geeraar sidaan, adigoo la eegayo waqtiga ku haboon:-
Jaceylku waa dareen
Indhihiisu waa dookha
Muuqaalkiisu waa farxada
Wejigiisu waa kulanka
Deegaankiisu waa qalbiga
Dhaqankiisu waa diinta
Astaantiisu waa uduga
Awoodiisu waa kalsoonida
Hamigiisu waa guurka
Natiijadiisuna waa ubad
Ee qaaliyeey aniga iyo adiga
Dareenka ma wada daadihina
By mohamad shariif daahir