
ADHIGA SOOMAALIDA
deegaanka uu ku nool yahay iyo xoolaha u jooga oo ay beec la’aan ku dhacday caato darteed.“Dadka reer miyiga ah xoolaha ayay ka helaan lacagta xoolihiina wax lacag ah waa goyn waayeen, biyaha dayn ayaan ku helaa. Walaal maalintii $5 ilaa $6 ilaa $4 ayaan ku cabaa mana bixin karo,”Wuxuu sheegay in qoyskiisa ay dabka saartaan cunnada labo waqti maalintii. Raashinka ay karsadaan waxaa ka caawiyay nin ay walaallo yihiin oo deggan Cadaado.Agaasimaha wasaaradda xannaanada xoolaha Galmudug Dr-Saleemaan MaxamedSaalax ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in Galmudug ay qorshayneyso sidii xoolo-dhaqtada loogu heli lahaa dhul ka caaggan colaadda oo xoola ay daaqsadaan.Wuxuu uga digay u dhawaanshaha dhulka lagu dagaalamayo oo khatar amni ay ka jirto inta dowladdu ay ka hubineyso badqabkooda.“Meeshu waa miineysan tahay. Qofkii in la dilo ayaa laga yaabaa. Xoolihii in laga dhacaa laga yaabaa. Marka xoolo dhaqatadu waa in ay ka joogaan halista inta xal la helayo,”
halista reer miyiga haysta weeye tani
You must be logged in to post a comment.