Sawirkaan waxaa lagu tiriyaa sawirradii ugu ashqaraarka badnaa ee la qaaday tobankii sano ee ugu dambayay, maxaa yeelay waxa uu sawirku xaalad niyadjab ah geliyay qofkii qaaday. Sheekadu waxa ay leedahay: labadaan haramcad waxa ay weerareen deeradaan xilli ay carruurteeda la ciyaaraysay. Deeradu waxa ay haysatay fursad ay ku baxsan karto, nafteedana ku badbaadin karto, balse, waxa ay go’aansatay inay sidaan sawirka ka muuqata haramcadyada isugu dhiibto! Haddaba maxay tahay sababtu? Sababtu waa inay carruurteeda siiso fursad ay ku baxsan karaan, maxaa yeelay haddii ay cararto carruurteedu ma heli doonaan fursad ay ku baxsadaan, oo haramcadku waxa uu weerari doonaa carruurta, waana hubaal si fudud inuu ku qaban doono, taa baddelkeed waxa ay isku dhiibtay haramcadka si carruurteedu u baxsato. Sawirku waa daqiiqaddii ugu dambaysay ee hooyada, waxa ay luqunteedu ku jirtaa afka haramcadyada, ayada oo si adag u eegaysa carruurteedii, si ay hubiso inay baxsadeen ka hor inta aan la cunin ayada. Hooyadu waa qofka keliya ee nolosheeda kuu huri kara ayada oo aan waxba kaaga baddelanayn. Eebbe weyne un baa hooyo abaalkeeda gudi kara, Alloow hooyooyinka u naxariiso, wanaag badanna ku abaalmari.

Design a site like this with WordPress.com
Get started