Abwaan salaad carabay

dooxanaa madhane
Waa dawri buuhoodlahay dir u lahaayeene
Waayadanba dabataa fadhidey daallinoo colahe
Ku dibsade Daboolan iyo Gegan danabbadii yiille
Dekenadii qabaalkana ninkii duriyey qoondeeye?
Dabkuu Aadan shiday Ina Galaydh dalabsigii eedye
Danbarkeeda dhaxal xaajaduu doortay Reer Gorode
Nin dardaarankii Cumar ogaa mudanihii daaye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Ararsame dulmaa kala qabsaday dirirti Caymeede
Daaroodba maqal xaajadii daahirka ahayde
Dadku hadduu ka nixi reer Wacays dalaflihii raacye?
Ma degdego nin Dirirtii ogaa dooxadii Garab’e
Derisbaa ku dhacay reerihii dawladda ahaaye
Duunkeeda belo waa helaa nin u dedaalaaye
Goortuu cilmiga daahirshuu Fiqi duceeyaaye
Diintana wadaad kuma aflaxo xaqa ka doodaaye
Duunyadatan kama liidataan daaqi geedaha’e
Iyaba waa is doontaan hadday kala dibboodaane
Kulay Deeradiyo Cawsha tahay doqoni waa liide
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Dayax soo iftiimiyo qoftaad dahabka moodeysey
Wax Dallaayad laysugu mergedey darabki saarraye
Jeeroo dabriyo lays cuskaday doori iyo weerar
Cali Duullaneba diid xaajadaan dawga ku ahayne
Daaqiyatal-Mawdkii dhadhami uu durraansadaye
Daahdaaha waabberi colkii la is dabbaalsiiyey
BihiDarays ma deyn reer jibriil digasha-loolkiye
Ninna Faarax kama daawo gelin caynki loo dilaye
Dugaagbaa calfaday reerihii daribta weynaaye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Duska bari Dubeerin iyo Karin lagu dubaaqawye
Rag dalleensey Nuux Maxamedkii inagu deyraaye
Daaraha la ridey Soolamadow dumarka ooyaaya
Dubayeeyda naagaha, hablaha debedda meeraaya
Sow kama diqootaan ilmada dibiqle guudkiinna
Haddaanse deyey dayaca reer Barraw darane?
Col dareeray duukiyo lalabe dayr kastaba joogta
Dannadayska Muusihi badnaa duraha jiilaalka
Daleelii Wareeg baa la dhigay duca-qabeenkiiye
Dalkii waxa qabsaday Reer Warsame dixida weynaaye
iminkay dermada soo fureen Daranti Tiigeede
Ragba mudanihiisaw derbiya da’ iyo Gaashaane
….
Dudda reero loo furay haddii degel la waaheelo
Duleedkaa mus laga joojiyaa dibadda dhawreede?
Meeshii daleel ah buu libaax dagi ka eegtaaye
Anuunbaa dibbiro-ciil qaboo dudaya waa noole
Damqanmaayo reer Faaraxaan ducuminaayaaye
War yaan idin dirdirin waano aan dunida aafeynin?
Colkan habar Jeclada loola dudi?Duulkalaw furane
Alloow yaa caruurahan durdurin kala dillaameeya

Design a site like this with WordPress.com
Get started