Abidkayba Waan Jiray, Jab Intuu Dhacaayee
Waanba Joogay Dunidanne, Wixii Uu Rag Jiitee
Jiilaalku Ima Karro, Iyo Jidiin Caddaadkuye
Ma Jilcamoo Ma Jiifsaddo, Mana Jidhidhicoodee
Soo Jiidh Wanaagaa, Jernigan Ku Soo Qaad
Amaba Oodda Soo Jebi, Dhaaxaan Belo U Joogee
Jirid Aan Go’ayninoo, Xidid Jiidataanee
Jar Hadii Aad Is Leedahay, Jidiid Ima Karaayee
Jasha Eebbe Mooyee, Cidi Joogsin Maysee
Ha Jidiin Cadaadnina, Hadal ima Jareeyee
Soo Jiidh Wanaagaa, Jeenniga Ku Soo Qaad
Amab Oodda Soo Jebi, Dhaaxaan Belo U Joogee
Jeex Bira Ka Hadhay Iyo, Jab Finiina Baanee
Wadnahaygu Jalawdiyo, Ma Yaqaan Jugleydee
Kolay Jabaq Ugaadh Tahay, Jid Aan Raacay Kama Noqon
Soo Jiidh Wanaagaa, Jeenniga Ku Soo Qaad
Amaba Oodda Soo Jebi, Dhaaxaan Belo U

You must be logged in to post a comment.