Caashaqu waa dahab

Hooyo waa dahab

Cirka Sare U Taagee, Xiddigaha Siraatiyo
Dayax Suudi Meeriyo, Ku Sinnaan Dharaartii
La Sargooyey Dundee, Rabbigeen Sameeyee,
Lagu Sugay Cadceeddee, Sagalkiyo Daruurtiyo
Lagu Xidhay Sitaacee, Dhulka Gogol La Seexdiyo
Sabo Lagu Negaadiyo, Laga Dhigay Sinadadabkee
Buuraha La Saaree, Dhirta Samayda Ciiddiyo
Salka Loogu Joojee, Saddex Laab Bad Iyo Webi
Lagu Yidhi Sabbeeyee, Dabadeed La Saanyee
Qofba Meel La Siiyee, Saldhigeedu Qaydnaa
Cidi Uma Sinnaynoo, Dadku Ruux Sabooloo
Saranseer Ku Raagiyo, Gary Samo Nin Yaalloo
Sidka Dhalay Ku Haystoo, Hela Seermaweydiyo
Laba Kala Sed Roonbaa, Subax Noolba Joogee
Waan Soo Socdaa Kow Dheh, Waxn Waan Sidaa Laba Dheh
Samir Yeeli Weligaa, Saxarlaay Ha Fududaan
Salfudaydku Xaawuu, Jannadii Ka Saaree
Ruuxaad Sugaysoo, Maqan Waa La Saadshaa
Sahan Waa La Dhowraa
Ha Sahwiyin Ha Selelin, Sarka Dhaban Ha Noqonin
Ha Saluugin Qaybaha, Qalin Baa Saxeexee
Waxaan Saatir Kuu Qorin, Ha U Suul Dhabaalayn
Kala Saar Run iyo Been, Kala Garo Sir Iyo Caad
In Salaadduu Weligeed, Kala Tahay Sunniyo Faral
U Ogow Sax Iyo Maan, Inaad Saamo Jiiddiyo
Sanqadh Tirasho Kala Daa, Naf Jacayl Sawaabayoo
Kuu Sudhay Hoggaanbaad, U Siddaa Maqaarkee
Ha Ku Daba Saqlaysee, Ha u Gaabin Seetada
Sogsogtiyo Cadaaddiyo, Ha ku Saydhin Laamaha

Design a site like this with WordPress.com
Get started