Gumaysigu hashuu naga dhacay
een gurayey raadkeeda
gu’yaal iyo gu’yaal badan
hashii gama’a noo diidey
goobtay istaagtaba hashaan
joogay garabkeeda
guuraa habeenimo hashaan
gebi walba u jiidhay
gaashaandhigeedii hashu
galowgu eedaamay
hashii geeddankeedii rag badan
goodku ku casheeyey
gacmaa lagu muquunshaye xornimo
noogumay garane
garre iyo guntane maalintay
gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo
noogumay garane
geeraarradeedii hashaan
annigu googooyey
galool iyo maraa iyo hashaan
kidiga geylaanshey
gaajiyo harraad badan hashaan
ugu garaacaayay
goobtuu sidkeedii go’ay
galabtii foolqaaday
ayadoo candhada giijisay
oo godol ku sii deysay
Garaad midan lahayn bay
la tahay waad ka gaagixine
annagoo gantaalaha dhaciyo
haysan qori gaaban
hashaan gaadda weynow libaax
uga gaboon waayey
Inaan Garayacawl uga tagaa
waa hal soo gudhaye.