Haadba haad kici

HAAD BA HAAD KICI
Halalacda Iyo Muuqii Indhuhu
Waxay u Haysteen
Dayaxoo Hogisii
Ka So Baxay
Hal Badhkeed
Shucaacoo Higsanayeey
Ma Aday I Hortaagnaa
Hiyiga Udgoon kan
Haqalka Ula Sara Kacay
Ay Moodey Himiladu
Goor Hiimse Hiimse AH
Hawd iyo Ka Yimid Bari
Misna Ma Adiguu Ahaa
Haadba Haad Kici
Haybadaad U Noqataye
Hodan Baad Ka Tahay Qurux
Hamano Waa Tan Kugu Ladhan
Heliskana Nasiibkey
Waqalkii Harqanayee
Hara Waa Tigaad
Jaro Aan Ku Hubsaday
Fad Habeen Da’ayaa
Ku Haloosiyaaye
Hilaaciina Ma Adaa
Higilkana Madawgii
Isa Soo Hadoodilayee
Ma Timahan Haldhaagee
Halaf Saday Daruurtiyo
Dabayshaa Hirdamayoo
Hirgina Ma Adiguu Ahaa
Haadba Haad kici
Haybadaad u Noqataye
Hodan Baad ka Tahay Qurux
Hamano waa Tan
Kugu Ladhan Heliskana Nasiibkey

Design a site like this with WordPress.com
Get started