
Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo nabar isdiidsiisoDibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataayeHaddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalinOo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogoUu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyoUu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayoUu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisaDebcin maayo oo wuxuu ka baqainuu ka duulaayeHaddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacinGacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashadeJeeroon direyska u gashoon dibeda soo taagoDaleen aniga iigama tagee waa dig siin jirayeWaxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaadayDadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahayeSoomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonyeDocda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeedaDusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisaDegmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeedaNimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waayeDul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeedeAnuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaaneDadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaaneBal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saarayWixii hore usoo daashaday bay degashanaysaayeDoc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheedaOoy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiisoDadka kama yaraateene ways dabar jaraysaayeDubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiiseGoortay is wada dooxatay baa daad u soo geliyeUbadkiinii waad daadiseen waana dubateeneDubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareedeDariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeyeDarajada Ilaahay ninkii doonayaa hela eNin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowyeDugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaaneHadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadkaDibaddaan ka joognaa sharciga daacadda IlaaheDanbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareedeDugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaaneDir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joognoOoy dumarku weerkii sitaan danabadii waayeyUu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinnaWallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaaneDugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
You must be logged in to post a comment.