Carshigii jarmalka ayuu yidhi


By abwaan gaariye



Ma cawaa ma caanaa?
Ma cug baa ma cigashaa?
Ma ciirsaa ma calaf baa?
Ma cisaa ma culuq baa?
Ma daruur gu’ curatoo
Cir-caddaadi noqon baa?
Ma cigaalka feleggiyo
Cir-jiidhkii Mariikh baa?
Ma magool cusaybaa?
Ma cadceed arooryoo
Fallaadhaha casuusta leh,
Ku cabsiisay dhedadoo
Ceeryaanti didisaa?
Ma xareed is-celisaa?
Ma habeen cadda ahoo,
Balliyada cigaagani
Casuumeen xiddigahoo;
Cirka dayaxi kaa jirey
Dhulka kaa cawaray baa?
Cosob rayska xaadhiyo
Ma gargoorki Ceegoo
Calcalyada barkaday baa?
Alla samay cuddoonaa!
Uduggaa carfoonaa!
Samsam caynka loo dhigay
Citibaaro badanaa!
Callo maaha liiti ah;
Habac maaha ceebo leh;
Qallaf maaha camal ba’an;
Coon maaha loo hoyan;
Baali maaha caaryo leh;
Cirir maaha toomama;
Cawro maaha socod badan;
Cayil maaha laga dido
Caatana u may bixin.
Cid kastaba u geeyoo
Meel laga canaantiyo
Cillad looma heli karo.
Cabdiyoow tallaabada
Cutiyaan idhaahdaa.
Timahay cawayskii
Cidhifyada u saartee,
Ku cayaara laydhee
Cawryaan haldhaayadu.
Dibnaheeda culayga ah
Cirridkeeda dhuxusha ah
Ilkahaa caddaanka ah
Naasaha cambuusha ah
Sunnayaasha cawsha ah,
Sanqaroorka caynab ah
Dhexda caaro-dhuubta ah
Mas-ciideedka midabka ah,
Cududaha garaaraha
Kubabkay u culus tahay,
Cambarshaha surkeedeey
Sirirsheen cabbaadhyadu,
Waa xuural-caynoo
Kolba anu tin iyo cidhib
Cad aan quudho kuma arag.
Cag-fudayd u may dhalan;
Cadho laguma sheegayn;
Waa canaadi lama odhan;
Wax ka cawda maan maqal.
Ma cod dheera waa gabadh;
Xishood baa u caado ah.
Cimri waa u gaban weli;
Caqli waa u waayeel;
Cidhib baanay leedahay.
Aniguna ma caasiyo
cadraddii ammaan lehe,
Carshigii jamaalkaan
U caleemo-saareee,
Adna Cadar Hadraawoow
Hambalyada u soo curi.


Design a site like this with WordPress.com
Get started