Faqiirku maleh saaxiib

Dunidan maanta aynu joogno waa duni laqadariyo oo kaliya dadka dhaqan ee haysta hantida,sababtoo waxaad arkaysaa dadka badan oo saaxiibo kula aha xiliga aad jeebkaagu ladanyahay baabuurkaagu dhalaalayo kabahaagu baalashaysan yihiin kala hufinayso lacagta taasoo oo aad iyo aad laguu qadarinayo waxana lagugu qadarinayaa ma aha mansab,qurux,caqli, badni aadantinimo,aftahanimo iyo nin rageednimo toona ma aha balse kaliya waa inta dhaqaalaheed gacanta kuhayso kaliya,

waxaa lagu odhanayaa maxamad waa nin kartileh waana nin rageed,

in badan oo kamida dadka saas loo buunbuninayaana ma aha sida dhabta ah ee shaqsiyada qofku kusalaysantahay.

inyar oo kamid aha mooyane oo buunbinantaas dadku buunbinayaan kusalaysan mooyaane,

kaliya waxaa ay is leeyihiin dadkaa badankood hebel aad ugu dhawaatid amaantaa oo ha ku jeclaado ama ha kusiiyo in lacag ah ama aad la cuntid hantidaa uu ahayso,ogsoonoow ninyahoow in badan oo maanta saaxiib kula ah ma aha saaxiibo dhab ah,waxay ahaandoona hadii gacantu dhulka kaaga dhacdo micnaha bari aad ubaahato caawin, ma heli doontid cid si fudud oo kalgacaylnimo kuu dheehantahay kuu garab istaaga.

Iskaba daa garab istaag iyo wax lagula qabtee waxaa laguugu dari cay iyo aflagaadooyin ay kamid yihiin,hebel wakaa intuu kibray oo uu fantaar noqday ayuu wayay hantidiisii,kuwan saas kulahina waa kuwii shalay aad u ahayd sayid maxamad,suldan maxamad,garaadka,legenka,boqorka,waa hadalada ay lacagtu wadato.

Markaa hadad tahay qof jira ku dadaal inaad dadka kuqaadatid diintiisa,daacadnimadiisa fikir wanaagiisa la talin wanaagooda, habu dhaqankooduna hakuu kalasooc naado nin walbana dabeecadiisa kuqadari

war hooy qofkan ladanoow ee ilaahay wax siiyoow isku day inaad dad beerato.

markaan kuleeyahay inaad dad beerato waxaan uga jeedaa dadkan kugu gadaaman ee ku hareera joòga iska baandhee intay goorigoori tahay,intaad bari ka maalin aad ku hantaatici lahayd maxaan hebel iyo hebel wax uqabtay maxaan wax siiyay maxan goolada ad adag kasoo saaray maantana wa kuwaa iharaatiyaye ee xitaa salaan wacan isalaamaynin ee la idhaafayo.

wax dhaqo oo wax dhigo,wax dhaqashada ugu wacanina waa inaad soo koriso dadka nasabka aha ee aan waxba haysanin ee aad ka heli doonto garab istaag guulguulin iyo hamabalyaba

Hantida dhabta ahina waa ta aad la baxdo ee siiso qofka ubaahan

Qadari dadka masaakiinta hankooda iyo qalbigoodana ilaali sababtoo ah hadii aad qadariso dadka hooseeya waxaad ku helaysaa mudnaan iyo qadarin iyo waliba dareen bini aadantinimo oo ku dheehantahay naxariis iyo qalbi jileecba

Faqiirnimadu cidna lama dhalan cidna aabo iyo hooyo toona uma ah ee waa deeq uu alle bixiyo wax helitaanka iyo taajirnimadu,

Qofka faqiirka ahi waa aan lahayn kalsooni shaqsiyadeed iyo qalbi wanaagsan,dad badan oo waxaa jira hanti haysta laakiin faqiiriin ah kuwaasina waa kuwa aan ku qanacsanayn waxay haystaan

Taajirnimada ugu saraysaana waa qanaacada ,hadii qofku uu leeyahay qanaaco wuxuu haystaa taajirnimo tii ugu saraysay sababtoo waa qof iska faraxsan haduu wax haysto iyo haduuna haysaninba

Rabiyoow naga yeel kuwii aad siisay qanaaco dhab ah

Amiin amiin amiin

3dan midna faaido maleh waxa gacantooda kujiraayi
1:bakhaylka faaiido maleh waxa gacantiisa kujiraayi
2:fulaygana faa ido maleh seefta gacantiisa ku jirtaayi
3:munaafaqa garsoorka ahina faaiido maleh qalinka gacantiisa kujiraayi

Kalsooniduna hakuu ahaato hubka koowaad ee haysato hadad faqiirtahay iyo hadad taaji tahayba

http://mohamaddahir0915.business.blog

Design a site like this with WordPress.com
Get started