Ooshu waa halkeedii Cirku waa engegan yahay Naxariisi kama iman Dhulku waa arradan yahay Oogadiisu damac ma leh Waa abaar dad qalata ah Waa sabaan la adhax jabay Ma aloosna geedkii Afti baana sii tiil Dadna waa ogsoonaa Anna baanahaygii Ku adkaysan waayee Sow iimahaygiyo Alabkayga lama baran Olol-reenka hibashada Uugaanka baxayaa Ma naftii asqowdaa […]
Araweelo