WAX QABSO INTAAD FURSADA HAYSATID AMA WAX BARO !!!!Sanadka oo dhan  sacadihiisu oo la mid ah 365maal× 24 saac :waa 8,760 saacadood. Haddii aad mowduuc, xirfad ama maaddo gaar ah aad ku bixisid 100 saacadood keliya sanadka oo dhan (~ 1%), oo u dhiganta ~ 18 daqiiqo maalinkii, waxaa hubaal ah in aad mowduucaas aad cid kasta kaga fiicnaanayso, khabiirna ku noqonaysid.In aad aqoon ama xirfad cusub baratid uma baahna juhdi iyo kharash badan. Waxay u baahan tahay oo keliya in ay kaa go’an tahay oo aad niyad xooggan u haysid (Motivation), kadibna joogtaysid (Consistency).Waxaad kale oo aad u baahan tahay adkaysi iyo dhabar adayg … sabur.”وما أعطي أحد عطاء خيرا وأوسع من الصبر”  متفق عليهOgow 18 daqiiqo maalinkii oo dhan (24 hrs × 60 min = 1,440) waxay ka tahay ~ 1% oo waqtigaaga ah. “Sweat the small stuff”. Cajab ee cajaaib

Design a site like this with WordPress.com
Get started