FARQIGA UDHAXEEYA NAFTA IYO RUUXDA

Waa maxay farqiga u dhaxeeya nafta iyo ruuxa?

Waxaa jira laba eray oo dad badani isku khaldaan: nafta iyo ruuxa. Labaduba waa kuwo qarsoon, laakiin macnahoodu kala duwan yahay.

1: Nafta (Nafs) waa waxa na kiciya — waa rabitaankeena, xanuunkeena, hamigeena, xumaan iyo wanaag labadaba waxay dhexdeeda ku jiraan. Waa tan Allah uu yiri:

{وَمَا أُبَرِّئُ نَفْسِي ۚ إِنَّ النَّفْسَ لَأَمَّارَةٌ بِالسُّوءِ إِلَّا مَا رَحِمَ رَبِّي ۚ إِنَّ رَبِّي غَفُورٌ رَّحِيمٌ(53) }

[سورة يوسف:53]

Haweenayda wasiirka waxay tiri: naftayda ma ammaanayo, mana beri yeelayo, naftu badanaa waxay qofka fartaa inuu sameeyo macaasida; raaxo ay raadinayso darteed, qofkii uu Alle dhowro mooyee. Allana waa mid dhaafa dembiyada qofka towbad keena ee addoomadiisa kamid ah, waana mid u naxariista.

Naftu waxay jeceshahay raaxo, magac, cunno, hadal badan, iyo in la buunbuuniyo.

2: Ruuxda (Ruux) se waa nadiif, waa amar ka yimid Ilaahay. Waa waxa ku jira qofka marka uu nool yahay, lana baxa marka uu dhinto. Alle wuxuu yiri:

{وَيَسْأَلُونَكَ عَنِ الرُّوحِ ۖ قُلِ الرُّوحُ مِنْ أَمْرِ رَبِّي وَمَا أُوتِيتُم مِّنَ الْعِلْمِ إِلَّا قَلِيلًا(85) }

[سورة الإسراء:85]

Gaaladu waxay madaxadayg dartii kuu weydiinayaan xaqiiqada ruuxda, ugu jawaab xaqiiqada ruuxda iyo xaaladaheedaba inay ka mid tahay arrimaha Alle uu la gooniga noqday cilmigeeda, idinka iyo dadka oo dhanba laydiinkama siinin cilmiga in yar mooyee.

Ruuxdu waa sida nal ama iftiin; haddii naftu ay xumaato, ruuxdu way qarsoontaa, iftiinkeeduna wuu yaraanayaa.

Gunaanad:
Naftu waa sida neefka la tarbiyeynayo, ruuxduna waa sida iftiinka la ilaaliyo. Haddii aad rabto inaad Nuur yeesho, tarbiyee naftaada si ruuxdaadu u ifto.

https://t.me/Erayxigmaded

Design a site like this with WordPress.com
Get started