Wuxuu dhahay  ولاء حجاج (Walaa Haggag) mid  ka mid ah qoraallada uu qoray si qoto dheerna  u taabanaya qalbiga — wuxuu isku darayaa xaqiiqooyin  xasuusin ku saabsan naxariista Ilaahay, iyo tafsiirka Qur’aanka ee ku boorriya rajo iyo tawakkul.Waa tan tarjumaadda qoraalkiisu Waxaan joogay masaajid…Waxaan arkay gabadh sujuud ku jirta, iyadoo si xad-dhaaf ah u ooyeysa. Codkeedu mararka qaar kor buu u kacayay…Sujuuddeedu wey dheeraatay – aad bay u dheeraatay.Waxaan is arkay anigoo u ducaynaya. Waan la murugooday , qalbigayguna aad buu uga falceliyay xaladeeda.Daqiiqado badan ayaan is lahaa ma u tagtaa. Laakiin isla markaa waxaan is iri: ka tag, iyada iyo Rabbi baa kaligood ahe.Kadib markii ay sujuuddeedii dhamaysay, way istaagtay — sidii waxba aysan dhicin.Quruxdeedu way dagganayd… wejigeedana xasilooni buu lahaa, waxayna ka baxday masaajidka.Kadib waan fikiray…Sidee qalbigeyga loogu beeray naxariis sidaa u weyn ee aan ugu duceyey.Haddana aniga iga timid, maxaad u malaynaysaa naxariista Eebbe  ee arka, og, maqla, kana jawaaba  sujuuddeeda iyo oohinteeda?Waxaa la yiraahdaa:رحمة الخلق كلهم جزء من ١٠٠ جزء من رحمة الله…”Naxariista dad oo dhan — waa hal qaybood oo keliya, oo ka mid ah boqol qaybood oo uu Ilaahay leeyahay.”Markaa, naxariista Eebbe intee le’eg bay tahay marka uu arko addoomihiisa iyagoo jilicsan, murugaysan, quus ka taagan, hadana iyagoo gacmaha kor u taagaya, isaga uun ka filanaya baahidiisa?Waxaan leeyahay:Ilaahayow, na sii:Rajo wanaagsan oo aan kaa qabnoTawakkul (ku-tiirsanaan) buuxda oo aan kuu haynoAayadda Qur’aanka ee soo gabagabeysa:﴿قالوا بَشَّرناكَ بِالحَقِّ فَلا تَكُن مِنَ القانِطينَ..قالَ وَمَن يَقنَطُ مِن رَحمَةِ رَبِّهِ إِلَّا الضّالّونَ﴾”Waxay dhaheen : ‘Waan kuu bishaaraynay xaqa, ee ha ka mid noqon kuwa quusta Wuxuu yiri: ‘Yaa ka quusta  naxariista Eebihiis mooyee kuwa baadiyoobay ?’”[Surat Al-Hijr: 55–56]✨ Farriinta qoraalkan: Qof walba oo aad aragto sujuud dheer, oohin, ama murugaysan — waxaa dhici karta inuu si toos ah u la hadlayo Eebbe. Naxariistiisu way weyn tahay, jawaabtiisuna marna ma maqnaato.

Allahayoow nagayeel kuwii aad ramadaanka ka aqbasho
AAmiin yaa

Rabbi

Design a site like this with WordPress.com
Get started