Hablaha Soomaaliyeed iyo Luqadda Jidhka “body language”.
Hablaha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay baadhaan oo wax ka bartaan “luqadda jidhka” “body language”. Qaabka loo dhaqaajiyo jidhku waxay gudbisaa farriin, farriintaas oo qof kasta oo arka ama ku hor taagan uu fahmayo ujeedka aad leedahay dabadeedna fal-celinteedii la imaanayo.
Hablaheena “luqadda jidhka” ee ay ku hadlaan markay iska duubayaan muuqaalada ay soo dhigayaan baraha bulshada waxay badankeedu gudbinaysaa dareenno ka fog akhlaaqda xataa haddii ay asturan tahay. Tusaale ahaan.
1. Wejiga: indhaha (il-jebinta, yaryaraynta indhaha, dhaygaga il-qoodha ah IWM) dhabanka iyo dibnaha (dibinta hoose oo dhinac laga qaniino, ururinta dibnaha sida dhunkashada, carrab dhinac kasoo saarida IWM) waa meelaha ugu badan ee gudbiya astaamaha rabitaanka dareen ee labada jinsi. Dadyawga caalamka ee yaqaan akhrista luqadda jidhka gabadha ay intaas ku arkaan waxa loo qaddariyaa gabadh xun, ragguna waaba usoo hammuunyoodaan.
2. Qoorta muujinteeda iyo dheeldheelinta ama hadba dhinac u dhaqaajinta oo ay la socdaan tilmaamo sida in gacanta bidix kor iyo hoos loo raaciyo waliba deggan iyaduna waa astaan ka mid ah astaamaha doonista jinsiga kale.
3. Sii jeed aan dhamaystirnayn iyo eegista dhinacyada bidix ama midig iyadoo dhexda la qabsanayo iyaduna waa macno kale oo sheegaya odhaahda ah “Jidhkayga sidee u aragtaa” waxay muujinaysaa iib-geynta qaab dhismeedka Ilahay inanta u uumay.
Isku soo wada duub oo anigu aqoon badan uma lihi luqadda jidhka, lakin waxa hubaal ah dhammaan dhaqdhaqaaqa jidheed ama is-ruxista ee qaaar ka mid ah hablaha Soomaaliyeed soo gudbiyaan inay ka soo dheegteen dadyow aynaan isku diin iyo dhaqantoona ahayn, waana muhim inay hablaheenu ku baraarugsanaadaan fariimahan ay ku dhex bixinayaan sawirada ama muuqaaladaba ay dirayaan isla fariimo kale oo ayna dhaadanayn.
Waxaa la gudboon hablaheena Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa muuqaaladooda baraha bulshada soo dhiga in ay iska ilaaliyaan dhaqdhaqaaqyada jidheed ee sida khaldan loo fasiran karo.
#Hablaha soomaaliyeed
#adsgoogle, #adsgoogle #z #trend #live #youtube #tiktok #facebook #instagram #googlefinance, #alibaba #amazon, #arabian, #arabian#trend#fyp#homeless#, #arabic people, #asia#russia#maraykanka, #asia#russia#maraykanka #poor #rich, #blogger #blog #bloggerstyle #bloggerlife #bloggers #bloggersofinstagram #influencer #blogging #fashionblogger #bloggerlifestyle #fashion #blogpost #lifestyleblogger #bloggerfashion #styleblogger #blo, #cafiif #muftimenk #sheekhmustafe #mohamaDahiryare/youtubechannell #mohamadshariifdahi/fb, #fiver #pixaby #threads, #googlechrome, #googlenews