Bisha ramadaanka

Farriinta Bilowga Ramadaan
BISHAN RAMADAANKA

waxaa la furayaa albaabbada samada, waxaana la dhahayaa: «Kii khayr doonayow soo soco, kii shar doonayowna ka joog».
Ma ahan habeen iska gudbaya, ee waa bilowga xilli barakaysan, waana tillaabadii ugu horreysay ee dhab ah oo loo qaado dhanka u laabashada Alle.
Ha u tixgelin habeen caadi ah; ka dhig habeenkii go’aanka, habeen aad dib u habaynayso naftaada gudaha, aadna ku jebiso goobada soo noqnoqoshada iyo caajiska.
Fududeey : Iska daji culaysyada qalbbiga.
naxdintaada: Qalbiga deji, amarkaagana Alle u dhiibo, ka dibna billow.
Waa wehel dhab ah oo aad la yeelanayso Musxafada, halgan miyir qaba oo aad la gasho naftaada, iyo qalbi ay ka muuqato hamuun isagoo ku celcelinaya: ﴿Rabbiyow waan kuu soo degdegay si aad iiga ralli noqoto﴾.
Ramadaanku waa fursad aan la hadyeynin sannadkii hal mara mooyee, qofkii khasaariyaana wuxuu waayay wax badan.
🌙 Soo dhoweynta Bisha Ramadaan
الحمد لله الذي ذهب بشهرِ شعبان وجاء بشهرِ رمضان…
(Mahad baa u sugnaatay Allaha si nabada ah nogu  dhameeyay bishii Shacbaan, na soo gaarsiiyay bishii Ramadaan). Waa fadli weyn inaan mar kale neefsano hawada bishan barakaysan.
هلالُ يُمنٍ ورشدٍ، اللهُ أكبرُ…
(Waa bil barako iyo hanuun leh, Alle ayaa weyn). Waxaan Rabbi ka baryeynaa inuu nooga dhigo bil nabad, iimaan, iyo islaannimo.
اللهم بارك لنا في  رمضان…
(Alloow noo barakeey bilowga Ramadaan), naguna caawi soomka, salaadda qiyaamul-leylka, iyo حُسنِ تلاوة القرآن (akhrinta quruxda badan ee Qur’anka) iyo u kuur-galka macnihiisa.
وأكرمنا بضنائن خزائن معارفه…
(Naguna sharaf khasnadaha qarsoon ee cilmiga iyo aqoonta). Waxaan ka baryeynaa Alle inuu naga fogeeyo الغفلة (gaflada/is-moogaysiinta) oo uu nagu guuleeyo camallada uu isagu jecel yahay.
🌍 Ducada Umadda
واجعله الله شهر فتحٍ لأمّة سيدنا محمد…
(Alloow ka dhig bil guul iyo nasri u soo hoyata umadda Nabi Muxammad ﷺ). Bil uu ku farxo wadnaha sharafta leh ee Nabigeena, bil dhibka laga baxo, farxaduna badato.

BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAANKA
Design a site like this with WordPress.com
Get started