
Heesta Adduunyooy Xaalka ba
Kii I Xaman Lahaayoow, Ama Xaasidkaygoow
Kaan Xalay Wanaajiyoo, I Xumeeyay Maantoow
Murtidaydu Waa Xubin, Waa Hadal Aan Soo Xulay
Xanuun Iyo Dardaaran ah, Waa Xujee Dadoow Maqal
Xikmad Weeye Heestuye, Xifaalaha Adduunyada
Adduunyooy Xaalka Ba, Xisimaha Daruurtiyo
Mar Buu Xaysku Hooraa, Nimcooy Lagu Xasuusta Adduunyooy, Mar Baa Xaaluf iyo Boodh,
Abaar Laysku Xiiraa, Dadku Xagal Wareegayoo Xumaadaa
Xiddigaa Is Doorshoo, Ninkii Xoolo Lahaan Jiray
Mar Buu Xaabka Qaataa, Xigsadaa Asaaggii
Xoolahaaga Oo Negi, Mar Baad Xoor Ka Maashaa
Xarragaddu Ku Lumisaa Adduunyooy
Mar Baa Xaaqin Iyo Guluf, Duhurkaa Xabaadhaa
Caydhay Lagu Xasuustayood Xumaataa
Xirsigay is beddelayoo, Ninkii Maali Jiray Xulad
Mar Buu Xayna Waayaa, Xigsadaa Asaaggii
Mar Baa Xil Iyo Maamuus, Magac Lagugu Xeeraa
Xariir Lagugu Daahaa Adduunyooy
Mar Baa Xuubka Bilicdiyo, Talo Lagaa Xayuubshaa
Xurmo-beel Ahaatayood Xumaataa
Markuu Sharafku Xaydnaa, Ninkii Laga Xishoon Jiray
Aan Cidiba Xaalayn, Ninkii Laga Xishoon Jiray
Aan Cidi Ka Xadhig Xidhan, Adduunyooy Xaalk
You must be logged in to post a comment.