Quruxdii Afrika
Aynigeeda Dumarkiyo
Asaageed Ka Mudaneey
Afar Suxul Ka Rooneey
Edeb iyo Asluub iyo
Anshax Lagu Hagoogyeey
Abuurtii Wacnaydee
Illahay Sameeyee
Soomaalida Ahaydee
Kaa Dayran Eeduhu
Aamiiin
Kaa Awdan Ceebuhu
Amiiin
Idam Allaa Rugtaadiyo
Irridahaad ku Nooshahay
Alhuumadu Ma Gaadhoo
Belaayaduu Ma Aadee
Ubaxii Dalkaygoo
Indho-kuushii Baa Tahay
Inaantii Arligaay
Aragii Wadankaay
Iftiinkii Dhulka Hooyiyo
Quruxdii Umaddaay
I’l iyo Cawri La’aw
Udugiyo Nadiifooy
Ehelkeeda Quruxdaay
Ilayskii Cadceedaay
Afar iyo Tobanaadeey
Olol iyo Hillaaceey
Aragiyo Horjoogiyo
Arladaad Ka Dheertahay
Labadaba Ammaan iyo
Astaan baad Ku Leedahay
Ubaxii Dalkaygoow
Indhokuushii Baa Tahay
Inaantii Arligaay
Aragii Wadankaay
Midabkii Aslanaa iyo
Quruxdii Afrikaay
Ii iyo Caawri La’aw
Ereyada : Abwaan Cabdi Qays