Boqorkii xikmadda lahaa:Waa waayaha ka mid ah, magaaladii fogeyd ee Wirani waxaa xukumay boqor awood iyo xikmad isku darsaday. Dadku awooddiisa waa ka cabsan jireen, xikmaddiisana waa qaddarin jireen.Magaalada bartankeeda waxaa ku yiil ceel biyihiisu macaan, qabow iyo saafinimo isku darsadeen, dadka magaalada oo dhammina ceelkaas bay ka cabbi jireen, marka lagu daro boqorka iyo xaashiyadiisa, maxaa yeelay magaaladu ma aysan lahayn biyo aan isaga ahayn.Habeen habeennadda ka mid ah, goor dadkii oo dhammi ay seexdeen baa magaaladii waxaa timid haweenay sixirrooley ah, ceelkiina waxay ku tifqisay toddobo dhibcood oo dareere aan la garanayn ah, waxayna tiri: “Wixii hadda ka danbeeya qof kasta oo biyahaan cabbaa wuu waalanaya.”Subaxdii markii waagu baryey, gebi ahaan dadkii magaaladu marka laga reebo boqorka iyo la-taliyihiisu waxay cabbeen biyihii ceelka, sidii saaxiraddu sheegtayna way waasheen. Waxayna bilaabeen in ay waddooyinka iyo luuqyada maraan, suuqyadana isugu yimaadaan iyaga oo si hoose oo nuxnux ah isugu sheegaya: “Boqorku waa waashay. Boqorkayaga iyo la taliyihiisa garashadii waa ka dhuntay. Suurogal ma aha in uu na xukumo boqor waalan. Waa in aan ka takhallusnaa.”Galabtii, boqorku markii uu ogaaday waxa dhacay, wuxuu amar ku bixiyey in kalax dahab ka samaysnaa oo uu lahaa biyaha ceelka loo soo daro, markii loo keenayna wuu cabbay, la taliyihiisiina wuxuu ku amray in uu cabbo jeer labaduba ka wabxeen. Intaa ka dib, magaaladii fogeyd ee Wirani waxaa saaqay farxad iyo damaashaad, sababta oo ah boqorkeedii iyo la taliyihiisii baa miyirkii u soo noqday.@moha dcy