CASIISOOW ILAAHOOW

Ilaahi cirka taagayee
Dayaxa iyo cadceeddiyop
Xiddigaa ku cigaalayow !
Ilaahi caadil ahaaye
Dhulka caynkan u daadshaye
Ku culaysiyey buurta e
Isagoon cidi joogin
Casiiskii Nebi Aadan
Ka buuray cammuudda e
Cidhifkaa bidixdiisa
Intuu caaro ka jeebay
Cadkii Xaawa ka yeelayow
Ilaahi caadil ahaaye
Ciyaarsiiyay buxuurta e
Ceejiyee ama siiyayow
Ilaahii caadil ahaaye
Casiiskii Nebi Luud
Kuwii caasi gareeyay
Amaba ceebta yiqiinnay
Habeen cawda u gooyayow
Ilaahii caadil ahaaye
Casiiskiisii Suleymaan
Dabayshuu carbiyayow !
Ilaahii Nebi Ciise
Cilmigiisa ku qaadaye
Cashaduu iman doonana
Cawar seef ugu dhiibayow
Ilaahi caadil ahaaye
Casiiskii Ayuub
Cudurkii uu ku raajay
Marki uu caban waayey
Caafimaad ugu doorshay
Curuuqddiisii dhammaatiyo
Raxmaddii ku dul caastay
Cimrigoodi yareeyaye
Cusbeysiiyey Jidhkooda E
Caruusiinta ka yeelayow

Design a site like this with WordPress.com
Get started