Faaiidooyinka diinsiga

Geedka diinsiga waxa uu kamid yahay geedaha ugu caansan dhinaca daawaynta uguna heerk sareeya 25  sano kahor ayay khubarada dhica caafimaadka ah ay ku dareen liiska geed dhireedyada ugu saamaynta wanagsan dhinaca daawaynta.

Wadamada badanaa laga isticmaalo.
•somalia, •Kenya, •Malawi, •Mozambique, •Tanzania, •Uganda, •Zambia.

Diinsiga waxaa badanaa loo isticmaashaa daaweynta nabraha, ilka xanuunka, cuna xanuunka iyo calool xanuunka taasoo ku tusinaysa inuu galayo booskii daawooyinka (antibiotics-ka) iyo xanuun baab’iyaha.

Waxaa kaloo jira dad ku daaweeyo gaaska iyo dibiirada iyo dheef-shiid xumada.
Diinsiga waxaa loo sameeyaa sida shaaha oo kale iyadoo loo isticmaalo in lagu daaweeyo shubanka, in dhibaatooyinka caadada ee dumarka ku dhaca.

Waxaa jira cilmibaaris lagu sameeyay diinsiga oo ay ku sameeyeen cilmi baarayaal oo isugu jiro soomaali iyo ajaanib oo lagu ogaaday in geedkaan ay ku jiraan laba maaddo oo magacyadooda aan u kala bixinay (1)diinsininol and (2)diinsinin . walxahaan oo leh faaido antibiotic oo jirka kala dagaallama infakshanka.

Diraasadaan waxaa lagu sameeyay qeybta daawo baarista ee jaamcadda Upsala University ee dalka Sweden.

Waxaa kaloo jira buug ay daabacday jaamacaddaas oo magaciisa la yiraahdo: Inventory of plants used in traditional medicine in Somalia, buugaan oo faaido weyn u leh dadka xiiseeya geedo daaweedka ayaa wuxuu ka hadlayaa illaa 30 geed oo soomalidu ay u isticmaasho daawo ahaan, markii baaritaan lagu sameeyane la xaqiijiyay waxtarkooda iyo faaidada caafimaad ay leeyihiin. Buugaan waxaa qoray cilmo baarayaal soomaali u badan oo kaashanaya cilmibaarayaal ajaanib kale.

Diinsiga waxaa loo isticmaalaa in lagu daaweeyo baabasiirka.Taas waxa ay ku tusinaysaa in geedka Diinsigu yayahay qalajiye aad aad iyo aad u xoog badan.

Design a site like this with WordPress.com
Get started