Tartanka Gabayada Soomaalida Hoygamaansada

Tartanka
Gabayada
Soomaalida

uu ku imaanaayo xafladda. Sidoo kale Hoyga Maansada waxuu xaq u leeyahay inuu baddalo qaabka ay u dhaceyso xafladda,tusaale ahaan in lagu qabto qaab online ah iyadoo la fiirinaayo xaaladda amniga iyo arimo kale.

Dadka ku guuelysta dhamaan waxaa laga rabaa inay soo gubdiyaan sawirkooda iyo taariikh-nololeedkooda oo kooban.

Xuquuqda gabay kasta waxaa iska leh qofka qoray balse dadka ku guuleysta tartanka waxay idin abadi ah u siinayaan in Hoyga Maansada Soomaaliyeed ay daabici karaan iyo inay u sii gudbini karaan bahda ay wada shaqeeyaaaan iyo maalgaliyayaashooda inay isticmaalaan muddo hal sano ah.

Hoyga Maansada Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu kala baddalo Abaalmarinada qeybaha Tartanka marka lagu jiro xulitaanka.

Abaalmarinta Abwaanada UNDP ee Sanadka waxaa loogu talagalay kaliya Gabayada ay qoraan haweenka oo ay ku cabirayaan noloshooda, fikirkooda iyo waxay u soo joogeen.

Abaalmarinta Abwaanka Da’da yar ee Sanadka waxaa loogu talagalay kaliya Abwaanada da’doodu tahay 25 sano ama ka yar taariikdha markay tahay 21-ka November sanad kasta. Qofka ku guuleysta waxaa looga baahanyahay inuu keeno caddeyn muujineysa d’adiisa.

Design a site like this with WordPress.com
Get started