MAXAA KUU QORSHEYSAN MAANTA

Galabtaan waxaan la fadhiistay naftayda isbitaalka… Hal su’aal ayay i weydiisay, ilaa haddana jawaabteedii ma helin.

Galabtaan waxaan fadhiyay kursi ku yaal bannaanka qolka ay ayeeyaday ku jirto. Dad badan ayaa is dhaafayay. Qaar way ooyayeen, qaarna way ducaysanayeen. Waxaan is iri, “Maxaa isbitaalka ka dhiga meel ay dadka oo dhan isku mid u noqdaan?

Anigoo fikirkaas ku maqan ayaan dareemay in qof agtayda fadhiistay.

Waan eegay…

Cid ma jirin.

Laakiin cod ayaan maqlay.

Wuxey tiri:

Ha i raadin bannaanka… gudahaaga ayaan joogaa.

Waxaan gartay inuu ahaa codkii gudahaaga.

Waxaan ku iri:

Maxaad maanta iga soo doontey?

Waxay tiri:

Waxan ka soo dooney in aan ku sheego meesha aad joogto Sababtoo ah isbitaalku waa meesha ay runta noloshu cod dheer ku hadasho.

Waxaan iri:

Runtee?

Waxay tiri:

In qof walba oo halkan jooga uu lahaa qorshe uu berri u socdo… laakiin maanta uu sariir ku dhammaaday qorshahaas.

Hadalkaasi wuxuu qalbigayga u dhacay sidii dhagax biyo deggan lagu tuuray.

Waxaan eegay dadkii.

Nin maalqabeen ah ayaa saf ugu jiray sidii qof aan waxba haysan.

Hooyo ayaa ilmihii gacanta ku haysay iyadoo ooyneysa.

Wiil yar ayaa qoslayay, isagoo aan garanayn waxa hareerihiisa ka socda.

Waxaan iri:

Maxay noloshu sidan u tahay?

Waxay tiri:

Noloshu qofna malahan. Waxay ku amaahdaa waqti, dabadeed way kaa qaadataa.

Waxaan aamusay.

Waxaan eegay albaabka qolka ay ayeeyaday ku jirtay.

Waxaan xusuustay iyadoo carruurnimadaydii gacanta i qaban jirtay.

Maantana anigaa albaabka u taagan.

Waxaan iri:

Goormaan sidaan u weynadey?

Waxay tiri:

Ma aadan weynaan hal maalin. Waqtiga ayaa si aamusnaan leh ku  beddelay, adiguna mashquul ayaad aduunka ku ahayd.

Waxaan mar kale iri:

Maxaa dadka qaar u dhintaan iyagoo weli riyooyin leh?

Muddo ayeye iga aamusned.

Kadib waxay tiri:

Sababtoo ah dhimashadu ma akhrido qorshayaasha aad qortay.

Qof kalkaaliye ah ayaa agtayda maray.

Waxaan dareemay cabsi aanan magacaabi karin.

Waxaan iri:

Haddii maanta ay noqoto maalintaydii ugu dambaysay… maxaan ka shallayn lahaa?

Naftaydu iima jawaabin.

Waxay halkii iga weydiisay hal su’aal.

Su’aashaas ayaa ilaa hada maskaxdayda ka guuxaysa.

Waxay tiri:

Haddii maanta laaga  qaado neefta oo ay noqoto malinkaga kugu danbeyeye… yaa xusuusan doona wanaaggaaga, yaase xusuusan doona dhaawicii aad dadka gaarsiisay?

Waan aamusay.

Jawaab ma aanan helin.

Waxaa laga yaabaa inaad adiguna hadda aamustay…

Sababtoo ah su’aashaas jawaabteedu af laguma bixiyo.

Nolosha ayaa looga jawaabaa.

https://mohadcy8.wordpress.com

Design a site like this with WordPress.com
Get started